Degmooyin kamid ah Muqdisho oo ka baxay gacanta Ciidanka Farmaajo! (Warbixin)

Iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, kaddib muddo-kororsigii sharci-darada ahaa ee Farmaajo, ayaa waxaa soo baxaya xogo sheegaya in degmooyin katirsan Muqdisho ay ka baxeen gacanta Ciidanka Dowladda Farmaajo.

Degmooyinka ayaa waxaa la wareegay Ciidammo kala taabacsan xubnaha midowga Musharixiinta iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobalka Banaadir Gen. Saadaq John, waxaana sidoo kale aan degmooyinkaas gali karin Ciidammada ka amar qaata Dowladda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo.

Waa kuwee degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ee ka baxay gacanta Ciidanka Farmaajo ?

Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis  ayaa waxaa inta bada ku sugan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow, kuwaasi oo ka hor istaagay ciidamada dowladda waqtigeeda dhamaday inay usoo gudbaan, waxaana isgoysyada degmooyinkaasi ku sugan ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo taabacsan Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi.

Sidoo kale qeybo ka mid ah degmada Hodan waxay u xeran yihiin Jeneraal Saadaq Joon ciidamadiisa oo aad u hubeysan, kuwaasi oo dhufeysyo adag ka sameystay isgoysyada iyo jid cadayaasha degmadaaasi.

Waxaa muuqata in Muqdisho xiligaan ay yeelaneyso qad cagaaran, taasi oo dib usoo xasuusineysa dadka Muqdisho waagii dagaaladii sokeeye 29 sano kadib.