Farmaajo oo gaaray magaalada Kinshasha ee dalka Congo (Sawirro)

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo, halkaas oo uu ku sugnaan doono labada maalmood ee soo socota.

Ujeedada safarka Farmaajo ayaa la xariira wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC.