Safiirkii hore ee Mareykanka “Farmaajo wuxuu u jiheeyay Somalia waddo khatar ah” (WAREYSI)

Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada.

Danjire Stephen Schwartz oo wareysi siinayay VOA ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad adag, isagoona ku eedeeyay Farmaajo inuu Soomaaliya galiyay xaalad hubaanti la,aan ah, waxaana uu ku baaqay in dalka la badbaadiyo.

Stephen Schwartz ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qoraalada DFS uga jawaabto fariimaha Beesha Caalamka, iyadoo Soomaalidu ogtahay inay ku tiirsan yihiin dhaqaale ahaan, Milateri ahaan Beesha Caalamka.