Sawirro: Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Bacaadweyne ee Gobalka Mudug

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya siday ula wareegeen degmada Bacaadweyne ee Gobalka Mudug, ee deegaanada Galmudug, oo maalmo kahor ay baneeyeen Ciidanka Dowladda.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada sida saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya, Galmudug iyo xarumaha maamulka degmadda Bacaadweyne.

Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobalka Mudug ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo khasaara badan dhaliyay, oo dhexmrayay Ciidanka Dowladda oo garab ka helay dadka Shacabka ah iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.