Soomaaliya & Congo DRC ma wadaagi karaan Iskaashiga Amniga ?

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo lagu faah-faahiyay Safarka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu labo cishe socdaal ku qaadanayaa Magaalada Kinshasa ee Caasimadda Koongada Dimuqraadiga.

Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaaa sheegtay in Waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamamaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madaxweyne Felix Tshisekedi ay kamid yihiin: Amniga, Siyaasadda, Iskaashi diblumaasiyadeed, ciribtirka fakhriga & waxa loogu yeero Xagjirnimada.

Soomaaliya & Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxa ay wadaag ka yihiin: Dagaalka, Ciidanka shisheeye ee Nabad ilaalinta, Muwaadiniinta ka barakacday Colaadda & Muranka Doorashooyinka oo sal u ah khilaafka siyaasadeed.

Congo cagaheeda kuma taagna oo waxaa garab siiya Ciidanka Nabad ilaalinta ee amarka ka heysta Qaramada Midoobay, Soomaaliya sidaas oo kale waxaa ilaha dhaqaalaha & Xarumaha muhiimka ah sida Madaxtooyada gacanta ku haya Askarta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xoogagga Isbaheysiga Dimuqraadiga (The Allied Democratic Forces) oo ah Jabhad ka dagaalanta xadka Uganda & Jamhuuryadda Dimuqraadiga Congo ayaa culeys saartay Ciidanka Dowladda iyo kuwa howlgalka Qaramada Midoobay fasaxa ka heysta.

DRC waxaa joogto lagu dilaa Dad rayid ah, Ciidamada Dowladda, Askarta Howlgalka MUNOSCU & xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda, waxaana isku aamini waayay qaar kamid ah Dalalka caalamka in ay ku dhiiradaan ku shaqeynta safaaradahooda.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa 16-kii April 2021 warbixin ay soosaartay ku sheegtay in kumanaan rayid ah ay isaga barakaceen rabshadaha ka jira Gobolka Kasai ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.