Wasiir Amniga Galmudug oo difaacay heshiiskii ay wada galeen Puntland

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi ayaa difaacay heshiiska iskaashiga Amni iyo la-dagaalanka Argagixisada ee dhexmaray Puntland iyo Galmudug, kaas oo dhigaya in Ciidanka Puntland ay ka qeyb qaataan la dagalanka Al-Shabaab iyo xoreynta dhulka ay ka heystaan Galmudug.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Fiqi uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Heshiiska Galmudug iyo Puntlamd ee dhanka amniga kuwa aan taariikhdiisa la socon, waxaan xusuusinayaa in heshiiskaasi uu ahaa 24 December 2020 magaalada Gaalkacyo, uuna dhexmaray laba wafdi oo labada Madaxweyne ay kala hogaaminayeen.

Argagixisada Alshabaab ee Galmudug amnigeeda halista ku ah waa in aan dhamaanteen u wada midownaa sidii dhulka iyo dadka looga xorayn lahaa oo aanan ekaan kuwo u xalaalaynaya Alshabaab dhulka ay qabsanayaan.

Galmudug iyo Puntland waa laba maamul oo walaalo deris ah, xiriir wanaagsan ka dhexeeyo, iskaashi dhinacyo badan uu ka dhexeeyo dadkoodu nabad iyo horumar ay wada hiigsanayaan.