Beelaha Hawiye oo sheegay in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne (VIDEO)

Beelaha Hawiye ayaa ku dhawaaqay in aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn Mohamed Abdullahi Farmaajo, iyagoona qaadacay muddo kordhinta 2 sanno ah ay u sameeyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS. Sida uu ku dhawaaqay Xildhibaan Mahad Salad oo Saxaafadda u akhrinayay War-murtiyeed kasoo baxay Shiweynaha Beelaha Hawiye oo ka dhacay Muqdisho.