LIVE: Shirweynaha Beelaha Hawiye oo ka bilowday Muqdisho

Shirweynaha Beelaha Hawiye ee ay ku diidan tahay moddo kororsiga labada sano ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaaday ayaa goordhoweyd ka bilowday Hotelka Jazeera.

Shirkan oo afur ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta, Xildhibaannada, senatarada, odayaasha dhaqanka iyo dad kale oo lagu martiqaaday shirka.