Maamulka Garoowe oo lagu wareejiyay 5,000 oo Geed (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowlada Puntland ayaa dawlada hoose ee degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku wareejisay 5,000 oo geed.

Geedahan ayaa lagu cagaarinayaa laamiyada, goobaha dadweynaha iyo xarumo kale oo kuyaala caasimada, taas oo qayb ka ah ololaha asbuuca dhiraynta ee Puntland.