Maxaan ka naqaanaa Madaxweynihii Chad ee la dilay, Yaase ka dambeeyay dilkiisa ?

Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray jiida hore ee dagaalka isagoo dagaal kula jiray jabhada Front for change and Concord for Chad ee kasoo dagaalanta xuduuda Chad Iyo Libya.

Idriss Deby wuxuu Chad soo xukumaayay laga soo bilaabo 1990, Waxuu ahaa nin dagaalada waaween ciidanka kala qeyb qaata isagoo hogaaminaya dagaalka. dalkiisa wuxuu ka midyahay dalalka afrika ee kalitaliska xukumayay waana dal uu la dagay Farqi Iyo musuq maasuq.

Isniinti shalay aheyd ayuu marki lixaad ku shubtay doorashada dalkiisa ee la qabtay 11 April 2021 wuxuuna ku guuleestay sida la shaaciyay 79.3% codadki la dhiibtay, Wali ma uusan jeedinin qudbadiisa guusha doorashada wuxuuna dib ugu dhigtay in uu marka hore soo booqdo ciidanka Jiida hore ee dagaalka kujira oo uu hogaaminaayay wiilkiisa curudka ah Mohammed Idriss Debi oo ah general ciidanka ka tirsan oo markaa kujiray dagaal xoogan oo ka socday xadka Libya Iyo Chad kala qeybiya. Hada waxaa la saadaalinayaa in wiilkiisa Mohammed uu badali doono Aabihii oo nasiib darro ku dhacday.

Dariiqa uu kursi jaceyl ka iyo tartan aanan loo dhameyn kusoo dhamaado waakaa.

Toloow Farmaajo weerarada uu fak fakad ka layahay isaga ma hogaamin doonaa mise ciidanka kaliya ayuu soo diri doonaa?