Puntland oo Gaalkacyo ka bilowday Maxkamadeynta Rag katirsan Al-Shabaab (VIDEO)

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwadda 5 eedaysanayaal oo xeer ilaalintu kusoo eedaysay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab sidoo kalena falal amniga liddi ku ah ka gaystay gobolka Mudug.