Warbaahinta Farmaajo oo tirtirtay war ay ka qortay dilka Madaxweynihii Chad

Warbaahinta ku hadashay Afka Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa laga saaray qoraalo ay ka sameeyeen dilka Madaxweynihii dalka Chad xukumayay mudada dheer Idriss Deby.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii dad badan oo ka rayi dhiibtay warkaas ay uga digeen Farmaajo inuu xukunka isku sii dhaafiyo, iyagoo sheegay hadii ay dhacdo taas inuu mari doono Wadada uu maray Madaxweynaha Chad iyo hoggaamiyayaal badan oo Kali-talis ahaa.

Idil Television