Xaalada cudurka COVID-19 ee Magaalada Qardho oo kasii dareysa

Hal Ruux ayaa ugu geeryooday cudurka COVID-19 magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, kaddib markii ay ka goday Oxygen-tu, sida laga soo xigtay dhakhaatiirta Magaalada.

Waraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dad kale oo aad u liitay iyana loo qaaday Isbitaalka Magaalada Garoowe, kadib markii Isbitaalka Magaalada Qardho uu ka dhamaaday Oxygen, isla markaana cudurka uu weli kajiro magaaladaas.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo ka hortaga cudurka COVID-19 oo faro ba’an ku haya deegaanada Puntland.