Dad ku dhintay hoobiyayaal lagu weeraray Madaxtooyada Villa Somalia (Sawirro)

5 Ruux ayaa ku geeryootay Tiro hoobiyayaal ah oo maanta lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho.

Hoobiyayaasha ayaa qaar kamid ah ku dheceen guryo ku dhow Madaxtooyada iyo xero ay kunool yihiin dad barakacayaal ah. Mana jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkan oo kasoo baxay laamaha Ammaanka DFS.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay sheegeen inay la beegsadeen Madaxtooyada Villa Soomaaliya, wallow ay ku habsadeen guryo dad shacab ah degan yihiin.