DEG-DEG: Puntland oo xukun dil ah ku riday 8 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab (Sawirro)

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ee Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa xukun dil ah ku riday 8 kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dil ka geystay Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda oo maanta u fariisatay Labo gal-dacwadeed ayaa xukunka kowaad ku riday Rag shan ah, kuwaas oo ah Shabakadii 1-aad ee Al-Shabaab uga howlgasha magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena dilay dad fara badan oo ahaa haldoorka Gaalkacyo, waxaana magacyadoodu kala yihiin;

Feysal Gujis
Sahal Cabulaahi
Iidiris Maxamed Afyare
Salmaan Maxamed Saleeban
Jaamac Muruudi Xuseen.

Sidoo kale, Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa xukunka dilka ah ee labaad ku riday Saddex dambiile, kuwaas oo iyana magaalada Gaalkacyo ka geystay dilal fara badan, Ragan ayaana si gaar ah uga howlgali jiray xaafada Garsoor ee Gaalkacyo, waxaana magacyoodoodu kala yihiin;

Maxamed Cabdi Raage Indhabuur.
Cabdirisaaq Axmed Buraale
Maxamed Cumar Muudey

Idil Television