Duqeyn ka dhacday Gobalka Sh/hoose oo lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Duqeyn ka dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu khaarajiyay Saraakiil iyo dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacadda Afka Ciidanka Dowladda ee (SNA Radio).

Duqeyntan oo ka dhacday tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka Janaale, ayaa  Saraakiisha Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada Hanti-wadaag ee gobolkaas, Macalin yuusuf oo ahaa horjoogihii Amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo horjooge kale oo aan magaciisa la sheegin.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in sidoo kale duqeynta oo ay fuliyeen diyaaradaha Drones ee Ciidammada Mareykanka lagu dilay illaa 5 kamid ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.