Guddoomiye Sanyare “Al-Shabaab waxaan ugu baaqaynaa inay gacanta Dowladda isku soo dhiibaan”

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeye Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 8 kamida inka badan 50qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ Waxaan soodhawaynayaa Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 8 kamida Argixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay, waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin.

Xukunkan waxuu fariin adag udiraya kuwa ku dhuumaalaysanaya gudaha Magaalada walina maskaxdoodu ka guuxayso inay siidaadiyaan dhiiga Qof mu’mina waxan idin leeyahay maantaad jaanis haysataan aan waligiis idin soo mari doonin ee Gacanta Dowladda isku soodhiiba intaanu Ciidamda oo garanaya goobahaad ku dhuumanaysan aanay idin sooqaban, halmidna haku fakerina inaad inta Qof Muslima dishaan aad si nabada ku joogtaan Magaalada.

Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay soo sheegan cid kasta oo ay Amnidaro ku tuhmayaan, waa mahadsantihiin “