Maxkamadda Ciidanka Puntland oo sii deysay 13 eedeysane

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida iyo dambiyadda culus ee Puntland ayaa sii deysay 13 eedeysane oo loo heystay inay xiriir la lee yihiin Ururka Argagixisada Al-Shabaab, kaddib markii lagu waayay wax dambi ah

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday 8 kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilal loogu geystay Gaalkacyo dad badan oo ahaa Haldoorka Gobalka Mudug.

Maxkamadda Ciidanka ayaa maalmaha soo socda sii wadi doonta dhageysiga gal-dacwadeedka xubno loo heysto dilal, Qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Amniga Dowladda Puntland.

Idil Television