Puntland oo Gaalkacyo ka wada Maxkamadeynta illaa 70 xubnood oo Al-Shabaab ah

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland ee Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa Magaalada Gaalkacyo ka bilowday Maxkamadeynta ku dhawaad 70 xubnood katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilal, Qaraxyo iyo weeraro Al-Shabaab ay ka geysatay 13 sanno ee lasoo dhaafay Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa shalay lasoo taagay 5 kamid ah eedeysanayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo Gaalkacyo ku dilay dad ka badan 20 Ruux oo ahaa Haldoorka Gobalka Mudug, kuwaas oo dilalkoodu soo bilowdeen sanadkii 2008, Maxkamadda ayaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqdo xukunka eedeysanayaashan oo qiraal ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa oo sii aadaysa Dhageysiga xubnaha kale ee Al-Shabaab, kuna jira gacanta Ciidanka Puntland ayaa la filayaa in marka ay soo dhamaato in la bilaabo toogashada maleeshiyaadka lagu rido xukunka dilka ah.

Idilnews