Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee QM oo ku baaqay in dib loogu laabto Heshiiskii 17-kii September

Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Vitnam ahna Gudodomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  Amb, Dang  Dinhi Quy ayaa ku baaqay in hoggamiyeyaasha Soomaalida dib ugu labtaan wada-hadallada heshiiskii doorashada ee 17-kii  September.

Waxaa uu sheegay in Danjire Dang  Dinhi Quy  oo guddoomiyey Kulankii Golaha Ammaanka ee QM in caqabada weyn ee Soomaaliya heysata ay tahay in aan wax horumar ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay hoggamiyeyaasha Soomalida inay ka fogaadaan ficilda keeni kara inay sii kala fogaadaan, isaga oo sidoo kale ka dalbaday inay dhinac iska dhigan khilafka kuna laabtaan wada-hadallada doorashada si lo garo afgarad la xiriira doorashada kaas oo lagu saleeynaayo heshiiskii 17-kii  September 2020.

Amb, Dang  Dinhi Quy waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Vitnam ay ku taageereyso doorka dhex-dhexaadinta ah oo ay qaadanayaan, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo cid kasta oo ka qeyb qaadaneyso xal u helida mushkilada ka jirta Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa waxaa ay isha ku heeysaa xaalada Soomaaliya ee xilligaan, waxaana ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xaalada cakiran ee sababta u tahay heshiiska aan weli laga gaarin doorashada.