Madasha Badbaado Qaran oo ka dalbatay Midowga Africa inay talaabo ka qaadaan Farmaajo iyo Mursal (Akhriso)

Madasha Badbaado Qaran ee Sooomaaliya ayaa warqad qoraal ah ay u direen Madaxa Shir Gudoonka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Ethiopia Ambasadoor Maxamed Idris Farah kaa oo ay cabasho kaga yihiin waqti kordhinta loo sameeyay Hay’adaha Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Qoraalka Madasha Badbaado Qaran ay u dirtay Ambasador Maxamed Idris Farah ayay ku sheegtay in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay ka hor yimaadaan waqti kordhinta Golaha Shacabka Barlamaanka waqtigiisu dhamaaday ay u sameeyeen Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna talaabo ka qaadan kuwii falkaasi ku kacay.

Ugu dambeyntii, Madasha Badbaado Qaran ayaa soo jeedisay inay soo dhoweenayaan wada-hadal waliba oo lagu gaarayo in lagu meel mariyo heshiiska 17 September ayna kasoo horjeedaan in wada hadalada lagusoo lifaaqo waqti kordhinta Hay’addaha dowladda loosameeyay.