Madaxweyne Deni oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobalka Sool

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 oo uu ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Jaamac Aadan Xaaji Maxamuud loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.