Puntland oo sharci-darro ku tilmaamtay muddo-kordhinta Farmaajo, digniina soo saartay (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka soo saartay xaalada doorashada dalka Soomaaliya, iyadoo ka hortimid muddo-kordhinta uu Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday u sameeyay Hay’adaha DFS ee uu hoggaamiyo Farmaajo.

War Saxaafadeed ka kooban 7 qodob ayay Puntland ku baaqday in miiska wadahadalka doorashada ee heshiiskii 17-kii September 2020 dib loogu soo laabto.

Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa ku goodisay in ay tallaabo kale qaadi doonto, iyadoo ka duuleysa go’aanadii shirweynihii Puntland, haddii lagu soo laaban waayo wada-hadalka.