XOG: Farmaajo oo Labo qodob ay hor-dhigtay Beesha Caalamka

Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag. 

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah. 

1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya.

2-  In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay.

Kulankii Golaha amaanka ee QM xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala. 

1- In dowladda  iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni. 2- In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya. 3- Iyo in la saxiixo is afgaradkii guddi ee Baydhabo lagu gaaray 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya.