Mareykanka oo taageeray go’aanka Midowga Afrika ku diiday muddo kordhinta Farmaajo

Xafiiska Arrimaha Afrika ee Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa taageeray go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay dhexdhexaadinta Midowga Afrika, iyadoo madaxda Soomaalida loogu baaqay inay heshiis degdeg ah ka gaaraan doorashada.

“Waxaan taageersannahay go’aankii Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika ee lagu cambaareeyay muddo kordhinta ay toddobaadkii hore ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya. Waan soo dhaweynaynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaan ku boorineynaa Madaxda Soomalida inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.