Akhriso: Farmaajo oo lacag fara-badan ku bixinaya tagista Mareykanka, Ujeedada

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa dhaqaalo fara-badan ku bixinaya si uu u tago dalka Mareykanka, kulana ula yeesho xubno kamid ah Aqalka Congress-ka ee Mareykanka.

Farmaajo ayaa Lacag dhan $150,000 oo dollar kaga iibsaday shirkad loobiga samaysa oo Maraykan ah oo lagu magacaabo ‘LFA Holdings’ inay kala shaqayso sidii uu Maraykanka ku booqan lahaa, kulana kulmi lahaa Congress-ka Maraykanka.

Ujeedada uu kulanka uu ka lee yahay Farmaajo ayaa lagu sheegay si looga badbaadiyo cunaqabatayn, kusoo wajahan xubno uu kamid yahay, ayna qeyb ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo ku eedeysan qalalaase inay u horseedeen Soomaaliya.