Alshabaab oo qorshaynaya in ay weeraraan Dekeda Garacad

Bud bud oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug xuduuda Puntland ee Degmada Towfiiq u jirta 90-KM waxaa maanta lawareegay Alshabaab.

Xogaha laga helayo waxay sheegayaan in Alshabaab Baabuur waa weyn oo Ciidamadii 21-aad ee ka guuray Bacaadweyne ka hor intaysan Shabaab qabsan ay isticmaalayeen.

Baabuurtaas oo ah kuwii Turkigu bixiyeen,ayaa halkii mar qaada 120-Askari.

Markii laga tusaale qaato xogaha la helayo iyo dhaqdhaqaaqa Shabaab ee xiligan ka bixidii Bacaadweyne ee Ciidankii Fadaraalka laga maamulo waxaa jira wada shaqayn iyo qorshe Puntland ka dhan ah oo lawada fulinayo.

Alshabaab waxay bartilmaameedsanayaan Dekeda Garacad oo ay u arkaan meel ay Puntland ku gaarsiin karaan khasaare weyn sida xoguhu sheegayaan.

Laamaha amaanka Puntland ee kala duwan way ka hawlgaleen xogtan.

Shacabka waa in ay la shaqeeyaan Dowlada.

Jibril Qoobey.