Cusmaan Dubbe “War-murtiyeedka Midowga Afrika ka soo baxay waxaa soo qortay Kenya iyo Jabbuuti” (VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta DFS Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ugaga hadlay baaqii ka soo baxay golaha ammanka iyo midowga Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa xusay in hore ay shaki uga qabeen shirkaa oo ay shir guddoominaysay dowlada Jabuuti ayna tifatire ka ahayd dowlada Kenya.

Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in dowlada ay soo dhoweyneyso balse ay soo dhoweeyso qodobka ah in ergey gaar ah Midowga Afrika uu u soo magacaabo dalka Soomaaliya.

“Majiro urur cambaareyn karo dal madax banaan,waana sharci darro mana soo dhoweyneyso dowlada soomaaliya cambaareynta loo soo jeediyay golaha shacabka .”ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inaysan soo dhoweyneyn qodobka ah in ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada soomaaliya.