Midowga Yurub oo baaq kale kasoo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa taageeray go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee ku saabsaneud xaalada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Siyaasadda Amniga Joseph borrell ayaa lagu sheegay In Midowga Yurub uu taageersan yahay diidmada muddo kordhin kasta, isagoo xusay in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020.

Midowga Yurub ayaa wuxuu kaloo soo dhoweeyay baaqa ah in Shirka dalal ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amni ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhaw u lashaqeeyo ergayga midowga africa, dhanka kale, wuxuu codsanayaa degenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo kale oo sii xumeyn karta xiisada.