Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrrikan ah ayaa waxaa ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi  (Big show) ayaa wxaa lagu dilay deegaanka Khayelitsha Ee Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika

Mid kamid ah Soomalida ku nool anka Khayelitsha Ee Magaalada Cape Town ayaa sheegay in dilka kadib ay goobta tageen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo bilabay baaritan la xiriira dhacdada dilka.

Degaanka Khayelitsha ayaa ah deegan isku raranka ah oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin Ajaanibta oo ay Soomaalida kamid tahay, waxaana dil loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsatada,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.