Puntland oo Ciidammo cusub geynaysa magaalada Gaalkacyo

Dowladda Puntland ayaa Ciidammo cusub geynaysa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, si ay qeyb uga noqdaan xoojinta Amniga magaalada.

Ciidanka ayaa ku biiri doono howlgalada ka socda gudaha magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ah iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare (Sanyare), ayaa sheegay inay Ciidanka Amniga Puntland ay guulo la taaban karo ka gaareen la-dagaalanka Argagixisada, ayna qabteen Shabakado badan oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaas oo dilal, qaraxyo iyo weeraro ka geystay magaalada Gaalkacyo tan iyo horaantii 2008-dii.

Guddoomiye Sanyare oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Ciidammo cusub ay Dowladda Puntland keenayso magaalada Gaalkacyo, si loo soo afjaro kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa kale ee ku howlan Ammaan-darada magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadeynta maleeshiyaad badan oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab ayaa ka socota magaalada Gaalkacyo, waxaana illaa hada xukun dil ah lagu riday 8 xubnood oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo 13 sanno ee lasoo dhaafay.

Idilnews