Sidee u dhacay dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun ? (VIDEO)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta oo Sabti ah 24-ka April 2021 bilawday dhageysiga kiiska Dilka loo geystay Guddoomiyihii hore ee Degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun oo ka dhacay Degmada Howlwadaag 21-kii Janaayo 2021.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey oo feelka baarista Kiiskaan kala wareegay Guddigii Xukuumadda Xil-gaarsiinta u magacawday baarista dilka Marxuumka 10-kii April 2021 ayaa sheegay in dilka Guddoomiye Dhegajuun uu ahaa mid wadajir ah ay u geysteen dhammaan dadka ku eedeysan marka laga reebo qof hagayay.

“Hal qof in ka badan dambi ay wadajir u galeen waaye, nimba kaalin haku lahaadee waxaa ka maqnaa keliya hal shaqsi oo heystay gacan kaas oo hagayay soona sheegayay marka uu soo dhaqaaqo, labo qori oo PKM (Daba-jeex) ah & lex AK47 ah oo caddeyn dhaqtar iyo fooqa goobta laga soo uruuriyay” Sidaasi waxaa yiri Gen. Kamey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray kiiska maanta ayaa ku dhawaaqay in markale la isugu soo laaban doono iyada oo ay muddeyneyso Maxkamadda sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil & Askar ayaa u xiran dilka AUN Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhegajuun oo baaris hordhac uu marsiiyay Guddiga uu guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Amniga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Shuute ayaa sheegay in uu jiro eedeysane maqane baxsad ah oo qayb ka ah kiiska Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir balse Maxkamadda go’aan ka gaari doono isaga & shaqsiyaadka kale ee xiran.