Wakiiladda Beesha Caalamka oo kulan deg-deg ah ku leh Xalane

Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan gaarka ah ku leh xerada Xalane si ay uga arrinsadaan Xaaladda Cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, diidmada joogtada ah ee muddo dheereysiga Golaha Shacabka BFS & ka go’aan gaarista qorshaha xiga.

Kulanka oo si gaar ah ugu dhexeeya Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa, Mareykanka, UK, Germany, Norway, Sweden, Filand, iyo dalal kale, ayaa lagu gorfeynayaa talaabada xigta ee Beesha Caalamku qaadayso, kaddib diidmadii Ururada iyo dalalka ay matalaan ee muddo kororsiga Farmaajo, si looga hortago colaad sokeeye oo Soomaaliya dib uga qaraxda.

Xubnahaan ayaa maskaxda ku haya Shirkii Natiijo la’aanta ku dhammaaday oo ay la qaateen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii April 2021, maadaama Beesha Caalamka kahor go’aanka Golaha Shacabka caddeysay in aysan taageeri doonin muddo kororsi.

Beesha Caalamka ayaa ku caajistay kulamada aan dhammaadka & meel ka gudubka lahayn ee Soomaaliya, muddo 40-cishe waxa ay ku howlaneed dhexdhexaadinta Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada oo isku fahmi waayay dhaqangelinta Heshiiskii ay saxiixeen 17-kii September 2020.