C/rixmaan C/shakuur “Ciidanka Farmaajo waxay soo weerareen gurigayga”

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame, oo haatan qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Ciidan ka amar qaata Farmaajo ay weerar kusoo qaadeen hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”