Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa been abuur ku tilmaamay hadalkii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Farmaajo, kaas oo ahaa inay maraan tahay khasnadda Dowladda, loona baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed dhaqaale ku taageersan Dowladda muddo-xileedkeedu dhamaaday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay farsamo cusub oo Maamulka Farmaajo uu doonayo inuu Shacabka uga jeediyo boobka ku socda hantida Qaranka.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa. Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshuur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.

Waxaan ugu baaqayaa Hantidhowrka, Xisaabiyaha iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe in ay shacabka hantidooda u ilaaliyaan.

Idil Television