Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Rasaasta uu Fahad Yaasiin ka qaaday AMISOM waa mid colaad lagu hurinayo”

Musharax Madaxweynaha Abdirahman Abdishakur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku baaqay in la difaaco Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh, isagoona uga digay AMISOM inay qeyb ka noqoto colaada uu hurinayo Farmaajo.

“Waxaan shacabka Muqdisho ugu baaqayaa in ay difaacaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hoygiisa weerar ku yihiin ciidamo ka amarqaata Farmaajo. Waxaan AMISOMM uga digaynaa in aysan dagaalka qayb ka noqon dagaalka. Rasaasta uu taliyaha NISA Fahad Yaasiin ka qaaday AMISOM waa mid colaad lagu hurinayo”.