Hot Topics

Ciidammo kasoo hor-jeeda Farmaajo oo galay gudaha Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya oo taabacsan midowga musharixiinta ay gudaha u soo galeen magaalada muqdisho, isla markaana lawareegeen qeybo kamida magaalada muqdisho.

Xaalad kacsanan ah ayaa ka jirta caasimada dalka iyadoo taliyaha ciidamadda xooga Odawaa Yuusuf Raage uu u tagay saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas, waxaana uu ka wareestay waxa keenay gadoodka iyo sababta ay usoo faarujiyeen furumihii ay cadawga Al-shabaab kaga difaacayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadan oo kasoo baxay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa hogaaminaya Saney Cabdulle Qoorgaab iyo Jeneral Koronto oo si weyn uga soo horjeeda hab dhaqanka xukuumadda uu waqtigeeda dhamaaday oo uu hogaaminayo Farmaajo.

Dhanka kale ciidamadda Saadaq Joon oo ku sugan xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan ayaa heegan buuxa la geliyay, kadib markii isgooska Tarabuumka la soo dhigay ciidamo badan kuwaas oo dhaqdhaqaaqyo kawada qeyb kamida degmada Hodan ee gobolka Banaadir.