Ciidan gadoodsan oo qabsaday xaafadaha waqooyi ee Muqdisho

Ciidamo Milateri ah oo ka gadoodsan muddo korarsiga Madaxweynaha lagu muransan yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qabsaday inta badan waqooyiga Muqdisho.

Ciidankan ayaa la wareegay isgoyska Fagax waxaana halkaas isaga baxay ciidankii booliska ahaa ee halkaas joogay, sidoo kale degmada Kaaraan ayaa la sheegay in ciidankaan qabsadeen.

Dhamaan goobaha ay qabsadeen ciidanka kama uusan dhicin dagaal waxaana goobaha qaar isaga baxay ciidankii joogay.