Ciidanka Farmaajo oo gaadiid dagaal looga gubay dagaalka Muqdisho

Dagaalkii ka socda Mirinaayada ee magaalada Muqdisho ayaa istaagay, wallow marar qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, kaddib markii la jabiyay markii labaad Ciidan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka oo ah Ehelka Farmaajo, kuwaas oo weerar ku qaaday guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, Dad goobjoogayaal ah ayaana sheegay inay arkeen Beebe ah oo la gubay Iyo askarta ku dhax gubaneysa.