Dagaal goos goos ah oo ka dhacay Muqdisho iyo barakac ka bilowday (Sawirro)

Barakac ayaa ka bilowday Xaafadaha Sanca, Siisii iyo Fagax ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaxan ayaa yimid kaddib markii goor-dhaweyd uu bilowday dagaal goos goos ah oo u dhexeeya Ciidammo lagu magacaabo Duufaan, kuwaas oo ku beel ah Farmaajo iyo Ciidammo gadoodsan oo kasoo horjeeda Farmaajo, kuwaas oo la wareegay qeybo badan oo kamid ah Isgoysyada iyo xaafadaha Muqdisho.