Jubbaland oo soo dhoweysay go’aanka Midowga Africa ee ka dhanka ah Farmaajo

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo dhoweysay dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021.

Warsaxaafadeedka Jubaland kasoo baxay ayaana lagu yiri “Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 uu yahay wadada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo “