Wasiirka Amniga “Ma jiro Ciidan weeraray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh” (VIDEO)

Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xasan Xundubey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in la weeraray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, isagoo arrintaas ku tilmaamay been abuur.

Xasan Xundubey ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen, soona afjareen maleeshiyaad soo weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo xusay in dagaalo loo soo xawilayo Muqdisho uu yahay kuwo ay ka dambeeyaan dalal shisheeye.