DEG-DEG: Bannaan-bax ka dhan ah Farmaajo oo caawa ka bilowday Muqdisho (VIDEO)

Bannaan-bax looga soo hor-jeedo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa caawa ka soconaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dibadbaxan oo ay dhigayaan dad fara badan oo shacab ah ayaa si weyn uga socda Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicaziiz ee Muqdisho, waxaana Dadka dhigaya ku dhawaaqayaan erayo ay kamid yihiin “FARMAAJO DOONI MAYNO, DAGAAL OOGAHA DOONI MAYNO IYO KALIGII TALISKA DOONI MAYNO”.

Idil Television