Fiqi “Rooble marna lagama fileyn inuu dafiro sababta keentay dagaalka Muqdisho”

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa weerar ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadalka Rooble ee ku aadan dagaalka Muqdisho, uu yahay mid aan ka turjumay xaqiiqada Muqdisho, isagoona sheegay inuu Dario waxa keenay isku dhinacyada hubeysan ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso qoraalka Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo.

Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan.

Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.!

Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo.