Guddoomiye Cabdi Xaashi oo baaq kasoo saaray dagaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu ku baaqayaa in la wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Dalka, lana joojiyo dagaallada iyo wax walba oo keeni kara gacan ka hadal, isla markaasna loo turo dadka Soomaaliyeed, khilaaf walbana lagu xalliyo wada hadal iyo tanaasul.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu boorrinayaa ilaalinta midnimada guud ee Dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka u yaal.