Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaan ku baaqayaa shir deg deg ah si xal loogu helo xasaradaha ka taagan Muqdisho” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay xabbad joojin ka dhacda magaalada Muqdsho, waxaana uu ku baaqay shir degdeg ah oo la iskugu yimaado loogana hadlo arrimaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan jeediyey kadib markii uu la kulmay xubno ka tirsan bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay inuu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

“Waxaan farayaa ciidanka sugidda amniga muwaadiiinta, difaacda dalka, iyo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aysan siyaasadda ku milmin.”ayuu yiri Rooble.

Baaqa Rooble ayaa imanaya ayada oo weli magaalada ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne.