Suudaan oo ugu baaqday Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ku laabtaan miiska wada-hadalka

Waaaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa war ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo isku dhacyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, taasoo ay sheegtay inay ka dhalan karto cawaaqib dib u dhac u keeni karta horumaradi la gaaray.

Suudaan ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan, waxaana ay ku baaqday in dagaalka la joojiyo laguna laabto heshiiskii 17 September.

“Innaga oo og awoodda dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaalida, waxaan ugu baaqaynaa in ay degdeg ugu laabtaan miiska wada-hadallada doorshada oo ku salaysan heshiiskii 17 September”.

Ugu dambeyntii, Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay la soconayso xaaladda suudaaniyiinta ku sugan Soomaaliya.