Taliyihii labaad ee Ciidanka Farmaajo oo ku biiray Ciidanka mucaaradka

Taliyihii Saldhigga degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed oo wata gaari dagaal iyo ciidan yaa ku biiray ciidanka ku sugan aagga Mirinaayo ee diidan muddo korarsiga Madaxweyne Farmaajo.

Waa taliyihii 2aad oo ku biira ciidanka ka gadoodsan muddo korarsiga hay’adaha dowladda. Saacado ka hor ayaa ciidankaas waxaa ku biiray taliyihii Saldhigga Shibis.