Farmaajo oo Ciidammo ka keensaday Gobalka Gedo (Sawirro)

Ciidanka Duufaan oo isugu jira maleeshiyaad horey looga qabtay Al-Shabaab iyo kuwa ku beel ah Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa difaacyo ka sameystay waddooyinka soo gala Madaxtooyada Villa Somalia.

Sidoo kale, Ciidammo gaaraya 250 Askari oo horey loo geeyay Galmudug, Gobalka Gedo iyo Hiiraan ayaa lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho, Saraakiil dhanka Ciidanka ah ayaana sheegay in talaabada lagu soo celiyay Ciidammadan ay ka dhigan yahay in Farmaajo uusan Awood Ciidan ku heyn Muqdisho.