Goodax “Farmaajo Xamar hadaad dagaal ka rido waad ku dhiman doontaa” (VIDEO)

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Hon. Abdullahi Godah Barre, ayaa uga digay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo in uusan Hormuud u noqon dagaal ka bilowday Magaalada Muqdisho.

Goodax Barre oo Muuqaal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadii uu dagaal ka bilowday Muqdisho in uusan noqon doonin mid uu guul ka gaaro Farmaajo, taas bedelkeedana uusan ka bixi doonin Dalka, laguna dili doono dagaalkaas.

“Farmaajo Xamar dagaal ha ridin, hadaad ka ridana ogow kama baxaysidee waad ku dheh dhiman doontaa” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Idil Television